Blue Nile-ka, Masar (Egypt) & Ethiopia & Saameynta ay ku yeelan karto Soomaaliya!

oldpenset

June 21, 2013 –  PENSOMALIA – Dowladda Masar oo Akhwaanku hoggaaminayo waxay aad uga caraysan yihiin Biyo Xireenka Weyn ee ay Dowladda Ethiopia Ku Sameyesey Webiga Weyn ee loo yaqaano Niilka Buluuga ah taasoo Dowladda Masar ay u tahay lama taabtaan Biyahaa Dowladaha badan ka dhexeeya ama wada wadaagaba welibana wax u dhimi kara wax soo saarkooda, Ethiopiana weligeed wey ku fakiri jirtey iney sameyso Mashruuc Tamar Dhalin ah laakiin umayan hayn Awood ay ku fuliso.

imageNasiib wannaag kolkii laga tuurey Xukunkii Dictator-kii Hosni Mubarak ayna Akhwaanku la wareegeen Hoggaaminta Dalka, ka dib Dowladda Ethiopia waxay si dhib yar ah u heshey Saudi Investors oo maal geliya Mashruucaa, Dalka Sacuudigana wuxuu ka soo horjeedaa amaba liddi ku yahay Akhwaan Al-Muslimiinta imminka Talada Masar haya… sidaa ayuuna Mashruucii weynaa sida ugu dhaqsiyaha badnaa loo bilaabey.Dowladda Masar berigii hore wax welwel kamey qabin in Ethiopia biyo xireen ay ka sameyso Niilka Buluuga ah iyadoo Geeska Afrika ka jirto Dowlad Soomaaliya ah ee Askartu hoggaamineysey oo ay ahayd waqtigaa Ummad Midnimo u wada dhan… 22 kii sano ee burburku Soomaaliya halaagey Dowladda Masar wax tallaabo ah kamayan sameyn sidii Ummadda Soomaaliya loogu gaargaaro ama kaalmo loogu fidiyo dhinaca Carabta & Afrikaba , imminkana kolkii ay ogaatey in biyo xireenkaa weyn ay Ethiopia tamar dhallinta dhaqan galey isla markii waxaa la xusuustey Dowladda Soomaaliya….Masar waxay dooneysaa iney la tashato Dowladda Soomaaliya isla markaana ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay u xoogiso DFS dhinaca Military-ga iyo welibana loo wada qabto waddanka oo idil, taasoo aan suuragal ahayn, Ummadda Soomaaliya wey kala tagsan tahay xoogna laysuguma keeni karo wada hadal mooyee! ta kalena, Dowladda Ethiopia waxay ka qayb qaadatey in dib loo soo celiyo ammaanka Dalka Soomaaliyeed welibana Ciidamo fara badanna kaga dhintey dhinaca Koonfurta Soomaaliya..Waa in laga foojignaadaa Qorshaha Dowladda Masar ay Maslaxadeedda darteed u dooneysa iney la dagaalanto Dowladda aan deriska nahay ee Ethiopia taasoo ay masar ka go,an tahay inay Isticmaasho Soomaaliya welibana heshiis deg deg ah ay la gasho dhinaca tababarka Ciidamada kolkaana ay soo dhoobto Ciidamo gaaraya 10.000/=(Toban kun) oo Ciidan oo soo gaari doona Soomaaliya December-ta innagu soo beegan oo dhowr qeyb qeyb ah loo keeni donna welibana soo degitaankooda laga ilaalin doonno Isha Dadweynaha & Saxaafadda…Gebagebadii waxaan leenahay Dowladda Masar Ummadda Soomaaliyeed iib ma gasho ta kalena Dhallinyaradeenna Dagaal danbbe u geli maayaan maslaxad dani kuugu jirto. Soomaaliya waxay u baahan tahay in laga caawiyo dhinaca waxbarashada,caafimaadka,waxsoosaarka & Dimuqraadiyadda iwm.Dowladda Soomaaliyana waxaa la gudboon iney dhammeyso wixii khilaafaad ah ee ay wadaagaan Maamul Goboleedyada Dalka siiba Jubba Land. Ayna ka fogaataa Mashruuca Dowladda Masar waayo haddii ay DFS ay heshiis la gasho Dowladda Akhwaanka ee Masar isla markiiba waxaa sii xumaan doonna Xiriirka Dowladda Sacuudiga & Soomaaliya oo asal ahaanba liita ta kale Masar & Qadarba dani ayey ka leeyihiin Soomaaliya waxayna gelin doonnaan Mahsaakillo aan laga soo kabsan doonin lagana shalaayi doonno haddii aanan laga fiirsan oo aan laga wada tashan. Dowladda Masarna marnaba doonimeyso wax lagu Magcaabo Nidaamka Federaalka ah haddii uu ka dhaqan galo Soomaaliya Danteedii ayaa halkaa ku lumaya sida ay aaminsan tahay Masar.Dowladda Soomaaliya waa iney ku fakirtaa Dhexdhexaadnimo & deris wannaag isla markaana ayan noqon meel loo soo maro wax u dhimmida Dowladaha Deriska la ah Soomaaliya.Qormadani  waxaan ugu tala galney in Qof walba oo Soomaali ah ogaado Cidda Maanta Dani naga leh & waxay horey inoo qabteen Caraboo idil, Ummad walbana waa iney ogaataa Danteeda gaarka iyadoo aan la oran kan & keer meeshaana laga ilaaliyo Arrimaha Qabyaaladda waayo Qoraalkeygan waxaan ugu tala galney oo keliya in Macluumaad Muhiim ah aan wada gaarsiinno Bulshada Soomaaliyeed si ay aayahoodii uga tashadaan si Xorriyad leh….. waayo waxaan u malaynayaa inayan jirin Cid rabta Wiilkeeda inuu uga dhinto si fudud Dagaal noocuu doonaba ha ahaadee, waxaanan shaki ku jirin in Soomaalidu ku dhammaaneyso Tahriibka Badaha,Berriga & Dilalka waxshinnimada loogu geysto waddamada qaarkii kolkaa cid waliba waxaa habboon iney badbaadiso dhiigga Ummadda siiba Dhallinyarada..Dulucda kolkaan u daadegno 1. Carab Cahdi malaha waayo kuwii iibiyey Dhulka Palestine kana iibiyey Israel waxay hoosta kaaga sheegayaan Israel iney Ummadda Muslimka oo dhammi xiriir aan lala sameysan Karin iyaguna Safaaradaha Israel wey ku wada yaalliin Waddamadooda qaarkoodna si dadban ayaa Safaaraduhu uga yaalliin kaasoo ay uga yeeraan Xafiiska Tijaardda ee Israel sida Dowladaha Qadar, Mouritania, Morocco iwm laakiin Ummadaha Islaamka siiba Afrika & Asia waxaa laga dhaadhiciyey Israel iney tahay Cadowga Islaamka welibana Gummeysaneyso Palestine & in ay xoog ku haysato Masjidka al-aqsaa taasi waa dhab laakiin Carabtii warkaa naga dhadhicineysana ay Gogol Xariir ah uga wada fidiyaan Israel Waddamadooda Xiriir Diplomacy ahna la leh kolkaa Sow maaha innagu waa noo Xalaal idinkuna waa idinku Xaaraan!Qaahiranna waxaa ku taallaa Safaaradda ugu weyn ee Israel & weliba Masaarida 6000 lix kun ayaa lagu tilmaamaa iney ka guursadeen Gabdhaha Reer Israel innagana waxaa nalooga sheekeeyaa Islaannimo waxaana nagala dhaadhiciyey Yuhuud inaan ugu yeerno reer Israel taasina waxay la mid tahay (Khud Cilmii walaa Ta,khud Camalii) ta kale Carab Ballan malaha Ciddii ballan ka sugeysaa waa wax iyada u yaal, ta kale Qof Qof kale Ilaahay agtii uga dhow yahay ma jiro illaa Taqwada Alle mooyaane… waa in dib loo fakiraa war Diintii Culimadeenu wey taqaanaa maxaa innaga khaldan ma is weydiiney marka hore? Macluumaad kale haddii aan ku siiyo Dowladda Masar Biyaha ugu badan Ee Webiga Niil ayadaa Isticmaashaa waa Nidaam kol hore Jirey waana waqtigii Isticmaarka Ingiriiska ta kale Dowladaha Afrika wey ka Doodeen arrintaa in mar kale lagu heshiiyo Xisooyinka Biyaha lagu wada qaybsanayo Dowladaha kawada dhexeeya Webiga Niilka laakiin Dowladda Masar Gaashaanka ayey u daruurtey.. ta kale hadii Mashruucaa Tamar Dhallinta ee Ethiopia uu hirgalo Soomaaliya wax weyn bey ka heleysaa Tamartaas kolkaa waxaa imaan doonnaa wax is wada dhaafsi waayo Ethiopia lagama tirtiri karo Map-ka Geeska Afrika meel kalena looma rari karo, Dadbaa waxay oranayaan Ethiopia waa Cadowgeenna taasi waa dhab waan kugu raacsanahay laakiin haddii Ummadda Soomaaliyeed ay wada heshiiyaan Cid wax ka qaadi karto ma jirto ta kalena Xaasidnimada ma dhammaato illaa iyo Qofkii Ilaahay u raxmado mooyaane.. ta kale waa in la xusuusnaadaa in Ethiopia ku nooshahay Ummad fara badan oo Islaam ah yaanan la arag oo qura kuwan Christian-ka oo keliya ee Cadowga u ah Soomaaliya.Ta kale waa in Qof waliba dhowraa aragtiga Shakhsiga ah lana ilaaliyaa Asluubta akhrinta Saxaafadda ee marka hore Qofku uu fahmaa Ujeedada Maqaalka Xambaarsan ta kale meeshaa laga ilaaliyaa kala qaybinta Ummadda waayo ummadda Soomaaliya iyadaa iskeeda Mushkilad u haysata yaanan la abuurin mid kale ee aan loo joogin…Waxaana loo baahan yahay in lays baraarujiyo si Ummadda looga badbaadiyo Shirqoolada Shisheeye soo wajihi kara sida haddaba ay Dowladda Masar Qorshe ugu yeelatey DFS. Fikrad wax toosisana la siiyaa DFS ee ayan ahayn Fikrad wax dumisa!Waxaana loo baahan yahay Qof walboo Soomaali ah inuu ka tago taariikh Qiimo leh ee lagu Xasuusto waayo Qof waliba intuu noolaan karo waa inuu ku xisaabtamaa & Taariikhda uu Ummadda Soomaalida uga tegi doonno. Waxaanna Ilaahay ka baryeynaa in Ilaahay ka badbaadiyo Soomaaliya Shirqoolada Shisheeye ee Ummadda ku abtirsata Soomaaliya uu dhib u wada keeni karo haddii aanan laga fiirsan . ogoow Caalamku inuunan garan Cid ama Beesha aad tahay wuxuuna kugu qiimeynayaa inaad tahay Soomaali oo qura! Mowduuca aan ka hadleynana ma ahan in Ummadda Soomaaliyeed aan u wada qaybinno labo qaybood Qaybna Masar ay raacdo Qaybna ay Ethiopia raacdo keliya in aan uga digno Qorshaha Masar ee ay dooneyso inay siticmaasho Soomaaliya si ay wax ugu dhinto Ethiopia, Soomaaliyana ay aayaheeda uga tashato si Xornimo leh.Haddii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay heshiis la gasho Dowladda Masar oo ka dhan ah Dowladda Ethiopia looguna Duulo Gudaha Soomaaliya waxaa ka imaan kara in Soomaaliya lagu la,do mar kalena ayan Dowlad Cagaheedii isku istaagin Ilaahaynna ma kaso…. Ta kale Dowladda Masar waa Dowlad Da, weyn isla markaana Afrika oo idil kaga horreysa dhinaca Military-ga & Khibradaha Dagaalka iyada waa iney Maamulataa la Dagaalanka Dowladda Ethiopia ee ay ka fogeysaa Soomaaliya waayo Soomaaliya wey ku daashey Dagaal. Soomaaliduna ay gogol dib u heshiisiin ah wada dhigtaan kolley laysma huro. Xaqiiqda waa inaad ogaataa Dowladda Ethiopia 65% waa Muslimiin, waana Dalkii Bilaal Ibn Rabaax, Nagashi & Luqmaan al-Xakiim oo Ilaahay uga Magac darey (Suurat Al-Luqmaan) ay ka soo jeedaan….1. Bilaal wuxuu ahaa Mu,adankii Rasuulkeenna Muxamed SCWS2. Nagaashina wuxuu ahaa Boqorkii Ethiopia oo Caadilka ahaa ee Rasuulkeenna Muxamed SCWS amrey in loo Tukado Salaatul Gaa,ib waana Qofkii ugu horreeyey ee loo tukado Salaatul Gaa,ib(Salaadda Janaasada Gaa,ibka)3. Luqmaan Al-Xakiim oo ka horreeyey labadaa aan kor ku soo xusney uuna ahaa Qof Ilaahay Xikmad ku Manneystey ee welibana Suurad Quraanka ka mid ah loogu Magac darey.Waxaanna wannaagsan Qof waliba inuu ka fiiriyo meesha wannaaga ka iman karo ee aanan nalooga dhigin Ethiopia oo idil iney Soomaali Cadow la tahay meeshaa Muslimiin Fara badan ayaa ku nool oo haddii ay wax dhacaan noo hiilin doonno Muslinnimadaa awgeeJUNE 21, 2013 Moment Media Ethics

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s